Wasaraada arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshiisiinta jubbaland ayaa qabatay kulan looga hadlayay hordhaca golaha deegaanka ee degmadda afmadoow ee gobolka jubadda hoose,maadaama golihii hore ee degmadaas waqtigooda uu dhamaaday.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka dowladda hoose ee degmadda afmadoow,odoyaasha dhaqanka iyo ururada bulshada qaybahooda kala duwan.
Shirka ayaa si guud diirada loogu saaray hanaanka maamul daadejinta iyo waxyaabihii ay ka faa,ideen bulshada reer afmadoow iyadoo maamulka golaha deegaanka ay xuseen dhowr mashruuc oo gun dhig u ahaa adeegyada muhiimka ee la fuliyay shanti sano ee maamulka golaha deegaanka degmadda afmadoow jiray.