Ururka haweenka degmadda doolow ee goboka gedo oo oo kaashanaya hay,adaha sado iyo acted ayaa degmadaas kusoo gabagabeeyay tababar kusaabsanaa xal looga gaarayay qilaaf ka dhashay hilo xoolaha biyaha ay ka cabaan ee beeralayda deegaanadda surgaduud iyo barbaraay,mashruucaan oo qayb ka ahaa nabadaynta ayaa waxaa maalgelisay hay,adda Un peace building found.
Waxaa tababarka kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada degmadda doolow aadan bare cali,gudoomiyaha ururka haweenka ee degmadaas hibo xasan xaasgi,saraakiil ka sacotay hay,adaha sado iyo acted,gudiyada haweenka kala shaqaynaayay nabadda ee deegaanada surgaduud iyo barbaraay iyo marti Sharaf kale.
Gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow iyo gudoomiyaha ururka haweenka ee degmadaas ayaa faahfaahiyay marxaladihii uu mashruucaas soo marau iyo waxyaabihii haweenka ay ka faa,iideen.
Ugu dambayn gudiyada iyo xubnaha kale ee ururka ayaa u mahadceliyay hay,adaha sado iyo acted waxaana ay sheegeen inta mashruucaan socday in ay ka faa,iideen aqoon kororsi iyo sidii hada wixii ka danbeeyo loo xaliyo qilaafaadka bulshada dhexdeeda ah.