Gudoomiyaha hay,adda maaraynta musiibooyinka SODMA maxamuud macalin cabdulle oo ku guda jira socdaal shaqo oo uu maalmahaan ku joogay magaalada Nairobi ayaa kulan muhiim ah la qaatay safiirka dowladda Switzerland ee qaabilsan wadamada bariga afrika oo ay kujirto soomaaliya ambassador Mirko Giulietti.
Kulanka waxaa diirada lagu saaray guud ahaan xaaladaha bini aadanimo ee dalka,sidii looga hortagi lahaa saamaynta abaaraha la saadaalinaayo loona yarayn lahaa qasaaraha ka dhasha,sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta deeq bixiyeyaasha iyo hay,adaha iyo adkaynta dedaalada diyaar garowga iyo ka hortagga.
Gudoomiyaha hay,adda SoDMA maxamuud macalin ayaa si wayn dowladda Switzerland uga mahadceliyay taageerada mudada dheer ah ee ay la garab taagan tahay soomaaliya,wuxuuna ka codsaday in ay joogteeyaan taageeradooda,isagoo carabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay ka wada shaqaynta sidii loo hubin lahaa in ay deeqdoodu u gaaraan dadkii loogu tala galay.