Gudoomiyaha degmadda dooloow ee Gobolka Gedo maxamed xuseen cabdi lafeey ayaa maanta dib ugu soo laabtay degmadda dooloow xilli maalmihii lasoo dhaafay uu safar shaqo ugu maqnaa dalka itoobiya.
Xubno katirsan maamulka dooloow ayaa kusoo dhaweeyay xafiiska,gudoomiyaha ayaana maamulka uga warbixiyay safarka shaqo ee dalka dibadiisa.
Gudoomiye lafeey oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqi ku joogay itoobiya ayaa halkaas kula kulmay madaxda iyo saraakiisha itoobiya oo uu kala hadlay iskaashiga labadda dhinac ee dhanka nabadgalyada iyo howlaha deriswanaaga ee jubbaland,arimaha nabad galyada xuduudaha maadaama meelo badan oo Gobolka Gedo kamid ah ay joogaan ciidamada Ethiopia oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta soomaaliya.