Gudoomiyaha degmadda kismaayo cumar cabdulaahi farawayne ayaa xariga ka jaray xarunta AFRO FRANCE PERFUMES oo ah xarun cusub oo lagu iibiyo carafta iyo uduga si gaar ah baraafuunada shirkadaha waawayn ee caabka ku ah uduga.
Xarunta oo si casri ah loo qalabeeyay ayaa la filayaa in ay waxbadan kusoo kordhiso bilicda magaaladda isla markaana shaqo abuur u samayso dhalinyaro badan.
Xarunta AFRO FRANCE ayaa qayb ka ah xarumo casri ah oo dhalinyaro hal abuurayaal ganacsi ah ay maalmahaan suuqa ganacsiga degmadda kismaayo kusoo kordhiyeen.