Gudoomiyaha cusub ee degmadda baardheere ee Gobolka Gedo ismaaciil sheeq cabdi qorax iyo xubnaha maamulkiisa ayaa maanta booqasho ku tagay xaruntii horay loogu dhagax dhigay in laga dhiso jaamacada Gedo faraceeda baardheere taas oo horay ay u dhagax dhigeen xubno uu horkacayay wasiirkii waxbarashada xukuumadii raysalwasaare qayre balse ilaa maanta aan la fulin.
Gudoomiye koofi ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay helida jaamacadda ardayda gobolka ay kaga maarmaan waxbarasho gobolja banaankiisa ah taasoo ardayda iyo waalidiinta qaar dhib ku ah haatan waxaana uu codsaday in si degdeg ah loogu istaago wax ka qabashada kaabayaasha burbursan ee degmadda iyo dhamaan adeeg kasta oo bulsho.