Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo oo ay wehlinayeen gudoomiye kuxigeenka 1 aad cabdifitaax nuur mataan,gudoomiye kuxigeenka 2 aad ee degmadaas,xubno kamid ah maamulka degmaddaas iyo taliyaha saldhiga booliska degmadda axmed xuseen garboolow ayaa kulan looga hadlayay amniga,horumarka,mashaariicda ka socda deegaanada,wadajirka iyo xasiloonida deegaanada waxaa ay la yeesheen bulshada ku dhaqan deegaanada gaawiido,malkaariyeey iyo xerada barakaca ee al barakaat oo dhamaantood hoosyimaada degmadda b/xaawo ee gobolka gedo.
Kulankaan oo saacado badan qaatay ayaa looga hadlay dardargelinta amniga,waxbarashada,caafimaadka iyo kaalinta ay maamulka ku leeyihiin nabadaynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanadaas.
Kadib aragti wadaag ku saabsan maamul wanaaga hormarka deegaanka la xeriira iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka deegaanka ayaa maamulka degmadaas waxay isla garteen in la xoojiyo amniga,horumarka iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa maamulka.
Odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee deegaanadaas ayaa soo dhaweeyay socdaalka maamulka degmada ay ugu yimaadeen.
Ugu danbayn gudoomiyaha degmadda beledxaawo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa deegaanka malkaariyay ka dhagax dhigay ceel biyood waxaana dhagax dhigaan ku wehlinaayay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee degmadaas cabdifitaax nuur mataan,isku duwaha wasaarada biyaha iyo macdanta ee maamulka jubbaland iyo xubno ka socday hay,adda UNICEF.
Ceelkaani ayaa waxaa isticmaali doono bulshada deegaanka malkaariyeey iyo guud ahaan shacabka degmadda beled-xaawo.