Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa galabta xariga ka jaray kambaniga moumin group oo ah kambani ay leeyihiin ganacsato soomaaliyeed .
Kambaniga ayaa degmadaas ka furtay labbo xarumood oo lagu iibiyo daawada qaybaheeda kala duwan oo jumlo ah iyo cagaha ama taayirada gawaarida noocyadooda kala duwan iyadoo markii hore adeegyadaan loo dalban jiray magaalo madaxda dalka ee muqdisho balse kambanigaan ayaa hada waxaa uu xarumahaan ka furtay degmadda b/xaawo waana markii ugu horaysay oo xarumo noocaan ah uu kambaniga ka furto degmo kamid ah Gobolka Gedo.
Munaasabada xariga jarka ayaa waxaa goob joog ahaa madaxa arimaha bulshada ee degmadaas nuur cadaawe baadow,ururada bulshada qaybahooda kala duwan sida culumo udiin,ganacsato,haween,dhalinyaro iyo marti Sharaf kale.