Diyaarada siday maydka allaha unaxariistee gudoomiye kuxigeenkii amniga iyo siyaaasada ee degmadda beled-xaawo ee Gobolka Gedo cabdifitaax nuur mataan ayaa maanta laga dejiyay degmadda b/xaawo.
Wasiiru dowlaha wasaarada deegaanka iyo isbedelka cimilada dowladda federaalka soomaaliya axmed maxamuud cumar (axmed ilka dheere) iyo xildhibaan nuur axmed diiriye (nuur afeey) ayaa qayb wayn ka qaatay soo galbinta AUN marxuum cabdifitaax nuur mataan.
Xubnaha kala duwan ee saaraakiisha amniga,maamulka degmadda b/xaawo iyo bulsho waynta degmadda beledxaawo ayaa aasqaran ugu sameeyay deegaanka sharma shiiq ee duleedka degmadda b/xaawo oo marxuumka lagu aasay.