Waxaa saaka ciidanka xoogga dalka ee kusugan degmadda beled-xaawo ee Gobolka Gedo isku dhiibay ciidamadii daraawiishta jubbaland oo fadhigadooda uu ahaa degmadaas.
Ku dhowaad 400 oo askari kana tirsanaa ciidanka daraawiishta ee maamulka jubbaland ,qaarkoodna istaaf u ahaa xubnaha maamulka degmadda b/xaawo oo la warbaahinta ayaa cadeeyay inay ka goosteen jubbaland.
Saraakiil u hadashay ciidamadda kusoo biiray dowladda federaalka soomaaliyeed ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin difaaca dalkooda,diintooda iyo dadkooda,markii horena ay si iskaa ah ay ugu shaqaynayeen bulshadooda.
Ugu dambayn abaanduulaya qaybta 43 aad ee ciidamadda xoogga dalka gaashaanle sare cabdirashiid maxamed cismaan bohol iyo taliyaha guutada 10 aad qaybta 43 aad ee ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Gedo gaashaanle dhaxe aadan siyaad cabdi oo la hadlay ciidamadda ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay kamid yihiin ciidamada xoogga dalka,dhawaana loo samayn doono diiwaangelin rasmi ah xuquuqna ay yeelan doonan si ay u gutaan waajib saaran.