Howlgal qorshaysan oo ay ciidanka jubbaland ka fuliyeen deegaanka lafo gari oo hoostaga degmadda dhoobleey ayay kusoo qabteen nin lagu magacaabo macalin maxamuud oo ahaa kuxigeenka maxkamadda alshabaab u qaabilsan deegaanka lafo-gari ee gobolka jubbada hoose.
War qoraal ah oo kasoo baxay jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgalka ninkan lagu soo qabtay uu ahaa mid qorshaysan sidoo kale isla howlgalka ay ciidanka ku dileen afar xubnood oo katirsanaa maleeshiyada kooxda alshabaab.
Kornayl maxamuud haybe oo ah taliyaha amniga degmadda dhoobleey ee gobolka jubadda hoose ayaa sheegay in deegaanka ay weerareen ay ugu tageen 2 dagaalame oo katirsan alshabaab kuwaasi oo cowshado ka samaystay goobta isla markaana ku dhuumaalaysanayay,dagaal kooban ay lagaleen ay ku dileen 4 dagaalame kuwa kalena ay dhaawaceen.
Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay madixii alshabaab ee deegaanka lafogari u qaabilsanaa maaliyadda sidoo kalena ay ciidanka u suura gashay in ay gacanta kusoo dhigaan kuxigeenka maxkamadda alshabaab u qaabilsanaa deegaankaasi.
Ciidamada jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay howlgaladda ay ku sheegeen in ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka kooxda alshabaab ee kusugan qaybo kamid ah jubbaland.