Banaan bax balaaran oo lagu taageeray madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam ayaa ka dhacay degmadda doolow ee Gobolka Gedo.
Banaanbaxani oo ay soo abaabuleen maamulka degmadda doolow ayaa dhanka kale waxaa looga soo horjeeday dowladda federaalka soomaaliya.
Bulshadii kala duwanaynd ee ka qayb gashay dibad baxa ayaa socod dheer kusoo marau wadooyinka waawayn ee degmadda doolow waxaana markii danbe ay isugu tageen garoonka kubadda cagta ee kabaaso.
Xubno katirsan maamulka degmadda doolow oo bulshadda halkaasi kula hadlay ayaa sheegay inay taageerayaan madaxwaynaha la doortay ee jubbaland axmed maxamed islaam madoobe ayay sheegeen inay soo dhawaynayaan isla markaana ay kasoo horjeedaan cid kasto oo carqalad ku ah maamulka jubbaland.