Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam madoobe ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay ku tala galka miisaaniyada ee sanadka 2025,taas oo dhan $63,387,111.39 oo ay soo gudbisay wasaarada maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha ee maamulkaasi.
Waxaa kale oo goluhu uu ansixiyay ka hortaga gudniinka fircooniga ah oo ay soo gudbisay wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka jubbaland.
Dhanka kale kulanka ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin arimaha amniga,xaalad guud ee siyaasada dalka,isbadalka cimilada,derder gelinta mashruuca GPE ee wasaarada waxbarashada iyo ciyaaraha degmooyinka jubbaland oo dhawaan la qabanayo.