Madaxywaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam madoobe ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulkaas ku qaabilay gudigga dib u dhiska buundooyinka gobolka gedo.
Guddigaan oo ay soo xuleen odoyaasha dhaqanka ee degmooyinka gobolka gedo ayaa ka shaqaynaya sidii isku tashi bulsho loogu bilaabi lahaa howlaha dib loogu dhisayo buundooyinka gobolka ee ku burburay roobabkii u danbeeyay ee ku dhuftay inta badan dalka.
Axmed madoobe ayaa guddiga ka dhagaystay dedaalka ay wadaan qaybaha kala duwan ee bulshadda ee laxariira sidii loogu istaagi lahaa dhismaha buundooyinkan muhiimka u ah ganacsiga iyo isku socodka bulshada.
Waxaa uu axmed madoobe uu tilmaamay in marka lasoo dhameeyo ololaha hada socda quburo loo saari doono qiimaynta shaqada iyo sida ugu macquulsan ee dib loogu dhisi karo bundooyinka burburay isla markaana dadwaynaha iyo maamulka jubbaland oo iskaashanaya ay si wadajir ah u bilaabi doonaan dhismaha buundooyinka.