Militariga israa,iil ayaa sheegay in qalad dhanka aadanaha ah uu horseeday in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la,ogaan waayo ka hor inta aysan ku qarxin bartamaha Tel Aviv subaxnimadii hore ee saaka oo jimco ah.
Ciidamada gurmadka ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay 1 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen,dhaqadhaqaaqa xuutiyiinta yemen ayaa sheegay in ay Tel aviv la beegsadeen waxa ay ugu yeereen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay kuxiran tahay teknoolijiyada cusub.
Bayaan xuutiyiinta kasoo baxay ayaa lagu sheegay in tel aviv ay noqon doonto bartilmaameedka koowaad ee weeraradooda.
Kooxda ay Iran taageerto ayaa si joogto ah u bartilmaameedsada maraakiibta isaga goosha xeebaha yemen,iyo sidoo kale weeraro dhowr ah oo lala beegsaday israa,iil 9-kii bilood ee lasoo dhaafay.
Ugu dambayn xuutiyiinta ayaa waxaa ay sheegeen in ficiladooda ay ku taageerayaan xamaas iyo Gaza.