Madaxa arimaha bulshadda degmadda doolow ee Gobolka Gedo cabdifitaax ismaaciil xuseen ayaa maanta hay,adaha kala ah DRC iyo RACIDA, geeyay tuulooyinka aboore,baar masare iyo bakaaro oo dhamaantood hoos yimaado degmadaas.
Saraakiisha ka socotay hay,adahaas ayaa kulan la qaatay bulshadda deegaanka kuwaas oo ay saamayn wayn ku yeelatay fatahaadaha waxaana looga warbixiyay xaalada bini aadantanimo ee ka jirta deegaanka ee u baahan in wax laga qabto.