Xildhibaan baale ibraahim cabdi oo katirsan xildhibaanada baarlamaanka JFS kana mid ah gudiga nabadaynta ee degmadda luuq ayaa maanta kulan la qaatay salaadiinta,odoyaasha,dhalinyarada iyo saraakiisha beesha howraarsame.
Waxaa uu kala hadlay sidii nabada looga shaqayn lahaa iyo xasiloonida deegaanka,suldaanka guud ee beesha howraarsame suldaan cabdile ibraahim cabdi ayaa baaq nabadeed u diray beelaha horaantii bishii ku dagalaamay degmadaas waxaana uu ugu baaqay in miiska wada hadalka la isugu yimaado.