Waxaa maanta degmadda garbohaaray ee xarunta gobolka gedo lagu qabtay xaflad ay soo qaban qaabiyeen hawl wadeenada caafimaadka ee Gedo medical college.
Waxaa xafladaan kasoo qayb galay maamulka degmadda oo uu ugu horeeyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee amniga iyo siyaasada degmadda garbohaaray xasanweli axmed yuusuf,taliyaha saldhiga ee degmadaas maxamuud maxamed looyaan,waalidiin,waxgaradka magaaladda,culumo,udiin iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshadda.
Xafladdan ayaa loo qabtay soddon arday kuwaas oo bartay caafimaadka (public health) waana dufcadii seddexaad ee ka qalin badalata mac-hadka caafimaadka ee gedo medical college ee degmadda garbohaaray.