Wasiir ku xigeenka caafimaadka maamulka jubbaland Abshir maxamed cabdi oo howlo shaqo u joogo degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah goobaha caafimaad ee kuyaalo degmadaasi.
Waxaa wasiirka kuxigeenka kormeerka ku wehlinayay gudoomiye kuxigeenka degmadda b/xaawo c/fitaax nuur mataan iyo isku duwaha wasaarada caafimaadka degmadaas iyo masuuliyiin ka socday hay,adda Vision corps initiative (VCI) iyo xubno kale oo ay bahwadaag yihiin wasaarada caafimaadka ayaa tagay isbitaalka guud degmadda ee khaliil iyo sidoo kale xaduudka dalka la wadaago dalka Kenya.