Agaasimaha guud ee wasaarada haweenka,arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka maamulka jubbaland marwo miski yuusuf oo uu wehliyo agaasimaha waaxda gender-ka maxamed muxumed maxamed ayaa kulan la yeelatay hay,adaha ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda,arimaha tacadiga iyo shaqaaqooyinka ee Gobolka Gedo.
Shirkaan oo ka dhacay hoolka shirarka ee hay,adda lifeline Gedo ayaa lagu gorfeeyay qodobo muhiimad gaar ah leh maadaama ay tahay masuuliyada koowaad ee wasaaradu in ay nidaamiso oo ay la shaqayso hay,adaha bixiya adeega protection-ka iyo kuwa xuquuqul insaanka si la,isu waafajiyo waxqabadyada iyo adeega la gaarsiinaayo nugulka sida haweenka iyo caruurta.
Ugu dambayn waxaa la dardargeliyay baarnaamika “GBV sub cluster” heer gobol iyo heer degmo si ay isugu xirmaan heer gobol ilaa maamul goboleed.