Wasaarada deegaanka iyo isbedelada cimilada maamulka jubbaland ayaa maanta degmadda doolow ee Gobolka Gedo kusoo gebagebaysay tababar ku saabsanaa ilaalinta deegaanka,la daagalanka xaalufka,maaraynta qashinka iyo qorsheyaasha u degan la tacaalida isbedelada cimilada.
Wasiir kuxigeenka wasaarada isbedelka iyo cimilada maamulka jubbaland maxamuud cabdinuur biixaani ayaa soo xiray tababarka waxaana loo qabtay shaqaalaha wasaarada heer gobol iyo mid degmo,wasaaradaha kale ee bah-wadaagta la ah xubno kasocday maamulka degmadda doolow iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu dambayn wasiirka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay shaqaalaha wasaarada iyo dhamaan xubnihii kale ee qaatay tababarka.