Masuuliyiin isugu jirtay xildhibaano katirsan golaha shacabka,golaha wakiilada maamulka jubbaland,maamulka degmadda luuq iyo saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo kamid ahaa waftigii nabadaynta u joogay degmadda luuq ayaa maanta kormeer ku tagay kaamka barakacyaasha naf iyo maal oo kamid ah goobaha dabka la qabadsiiyay.
Waxaa ay qiimayn iyo u kuur gelid ku sameeyeen kaamka oo ay ku noolaayeen in ka badan 500 qoys kuwaas oo ka barakacay degmada una barakacay degmooyin kale.