Waxaa maanta degmadda doolow ee gobolka gedo lagu soo dhaweeyay wafti balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka amniga maamulka jubbaland jeneraal yuusuf xuseen cismaan(dhuumaal) iyo wasiirka wasaarada cadaalada jubbaland cabdile xuseen jaamac.
Gudoomiyaha degmadda doolow maxame xuseen cabdi lafeey iyo maamulka degmadda doolow ayaa garoonka diyaaradaha ee degmadaas kusoo dhaweeyay.
Magaaladda doolow ayaa toddobaadkaan marti gelinaysa wasiiro iyo agaasimayaal katirsan maamulka jubbaland si kor loogu qaado howlaha maamul goboleedka lagu xoojinayo adeega dowladnimada.
Waftiga waxaa qayb ka ahaa saraakiil iyo agaasimayaal guud kuwaas oo katirsan maamulka jubbaland.