Waxaa maanta degmadda doolow ee Gobolka Gedo garaay gudoomiyaha maxkamada sare ee maamulka jubbaland sheekh cabdisharkuur shiiq maxamed rashiid oo ay wehlinayaan xeer ilaaliyaha guud ee jubbaland nuuradiin maxamed khaliif iyo xubno ka socday waaxyaha kala duwan ee maxkamadaha heerarkooda kala duwan.
Wagtiga waxaa garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow kusoo dhaweeyay gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaada degmada aadan bare cali,xubnaha kale ee maamulka,afhayeenka gobolka gedo,taliye kuxigeenka ciidamada daraawiishta jubbaland ee gobolka gedo cali xasan deer,taliyaha nabad sugida degmadda doolow maxamed sugoow aadan,taliye kuxigeenka ciidanka booliska iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Gudoomiyaha maxkamada saree e jubbaland iyo waftigiisa ayaa gobolka gedo u tagay sidii hay,adaha garsoorka adeegyada ay bixiyaan bulshadda loo gaarsiin lahaa kuwaas oo muhiim u ah waqtigaan.