Wasiirka wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee maamulka jubbaland injineer ismaaciil axmed garas ayaa xarunta wasaaradda caafimaadka ku qaabilay wafti ka socday hay,ada caafimaadka aduunka ee WHO.
Waftiga ka socday hay,adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa waxaa hogaaminaysay haweenayda u saraysa xafiiska WHO ee soomaaliya waxaana wehlinayay xubno kale oo muhiim ah oo hay,adda katirsan.
Soo dhawayn kadib waxaa ay xarunta wasaarada caafimaadka jubbaland kulan kula qaateen wasiirka wasaarada caafimaadka,agaasimaha guud ee wasaarada iyo qaar kamid ah howl wadeenada kale ee wasaarada.
Ugu dambayn kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta,wadashqaynta wasaarada caafimaadka iyo hay,dda WHO,sare u qaadista tababarada ay siiyaan shaqaalaha kala duwan ee wasaarada iyo arimo kale.