Taliyaha guutada 10 aad qaybta 43 aad ee ciidanka xooga Gobolka gedo gaashaanle dhexe aadan siyaad cabdi,taliyaha qaybta booliska gobolka gedo gaashaanle sare xuseen xaashi giif,gudoomiyaha degmadda buurdhuubo xasan muxumed cali iyo kuxigeenkiisa c/raxmaan cabdulaahi calu ayaa maanta gaaray degmadda doolow ee Gobolka gedo.
Waxaa garoonka kusoo diyaaradaha kusoo dhaweeyay taliyaha booliska degmada maxamuud cabdi xaashi,maareeyaha garoonka diiriye gaarane iyo masuuliyiin kale.
Saraakiishaan oo howlo shaqo ugu maqnaa magaalada buurdhuubo ee gobolka gedo ee soo gaaray magaaladda doolow ayaa waxaa safarka ku wehlinayay gudoomiyaha iyo kuxigeenka degmadda buurdhuubo kuwaas oo usii amba bixi doono magaaladda kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka jubbaland.