Taliska nabadsugida iyo booliska degmadda doolow ee Gobolka Gedo ayaa caawa sameeyay howlgalo lagu xaqiijiniyo amniga xaafadaha iyo kaamamka barakacyaasha ee degmadaas.
Ciidamada ayaa goobo kala duwan kasoo qabqabtay dad u badnaa dhalinyaro kuwaasi oo ay laamaha amniga ku wadaan baaritaano lagu xaqiijiniyo ka madax banaani dambiyeed.
Degmada doolow ee gobolka gedo oo amaankeeda si wayn loo adkeeyay islamarkaana ay degan yihiin qaar kamid ah hay,adaha qaramada midoobay,cid kaste oo soogashana lamariyo damaanad iyo baaritaano lagu xaqiijiniyo shaqsiga qofka kana madax banaan yahay kooxaha umada soomaaliyeed u diidan nabada,horumarka iyo dowladnimada.
Howlgalkan waxaa hogaaminayay taliyaha ciidanka NISA ee degmada maxamed sugoow aadan iyo taliyaha saldhiga maxamuud cabdi xaashi.