Gudoomiye ku xigeenka ahna madaxa amniga iyo siyaasada degmada doolow ee Gobolka Gedo aadan bare cali ayaa maanta shaqaalaha caafimaadka hay,adda trocaire ee degmooyinka doolow,beledxaawo iyo luuq u daahfuray tababar sare loogu qaadayay wax ka qabashada xaalada nafaqo daro ee deegaanka ka jirta.
Hay,adda trocaire ayaa sanadkii 2023 ee lasoo dhaafay waxaa ay diiwaan gelisay hooyooyin iyo caruur nafaqo daro hayso oo kunoolaa magaalooyinka barakacyaasha iyo tuulooyinka,waxayna horay u gaarsiiyeen cuntooyin jilacsan.
Ugu danbayn gudoomiyaha ayaa masuuliyiinta sare e hay,adda Trocaire,shaqaalaha isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka kula dardaarmay in si wanaagsan loola tacaalo hooyooyinka iyo caruurta isla markaana la gaarsiiyo cuntooyinka loogu tala galay.