Maamulka degmadda doolow ee Gobolka Gedo iyo wasaarada howlaha guud dib u dhiska iyo guryaynta maamulka jubbaland ayaa maanta kulan looga hadlay dhismaha laamiga doolow isugu keenay ururada bulshada ee degmadaasi.
Waxaa kulanka looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa dhismaha wadada laamiga ee dhex marta degmada doolow waxaana ka qayb galay masuuliyiinta degmadaas,isuduwaha,ganacsato odoyaasha dhaqanka.
Masuuliyiinta maamulka ayaa waxgaradka la wadaagay qorshaha dhismaha wadada,nidaamka mastar balaanka iyo sida ay ahmiyad wayn ugu leedahay bulshada waxaana kulanka laga soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo mashruucaan saacidaya.
Dhamaan ka qaybgalayaasha ayaa isku raacay in la dardargeliyo dhismaha wadada oo wax wayn ka gaysanaysa horumarinta dhaqaalaha deegaanka.