Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa maanta degmadaasi ka daahfuray shirka nabadaynta oo ah shir loogu tala galay nabada iyo isdhexgalka bulshada deegaanka.
Shirkaan oo ka dhacay hoolka shirar ee Maida Guest House ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay,adda DRC mashruuceeda BORESHA,waxaana kasoo qayb galay xubno kamid ah maamulka degmadda,laamaha amniga iyo ururada bulshada qaybahooda kala duwan.
Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii looga shaqayn lahaa nabadda isla markaana xal loogu heli lahaa khilaafka joogtada ah ee bulshadda ka dhex abuurmo ayaa la isla qaatay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo hormarka,isku xirnaanshaha iyo isdhexgalka bulshadda.