Shirkaan oo ah qamiisle loogana hadlayay amniga ayaa saaka waxaa uu ka dhacay degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Waxaa shir gudoominayay hogaanka amniga Gobolka Gedo ahna taliyaha NISA gedo jeneraal Jamaal xasan sareey waxaana kasoo qayb galay dhamaan saraakiisha amniga gudaha iyo dibadda heer gobol iyo heer degmo sida nabad sugida,militariga,booliska iyo daraawiishta jubbaland.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu lafa guray arimo xasaasi oo ay kamid yihiin arinta xad-beenaadka keenya iyo soomaaliya ee mandheera iyo beledxaawo oo in ku dhow muddo isbuuc ah xiran iyo adkaynta amniga ,xasiloonida iyo wada noolaanshaha bulshadda.
Saraakiisha amniga Gobolka ayaa ciidamada amniga degmadda ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan adkaynta amniga iyo xasiloonida iyagoona kula dardaarmay in ay sii joogteeyaan.