Waxaa laamaha amaanka degmadad waajid ee Gobolka bakool isu soo dhiibay ibraahim shiiq aadaan oo magaca afgarashada kooxda alshabaab u yaqaanaan (yowkoyow) kaas oo maleeshiyaadka alshabaab ka tirsanaa muddo 16 sano ah.
Sarkaalka ayaa kooxda u qaabilsanaa jabhada ayaa markii danbe kamid noqday ciidanka xisbadda ee Kooxda.
Waxaa uu ka waramay sababta ku kaliftay in uu kooxda isaga soo baxo waxaana uu sheegay dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo mid ay u gaysanayeen shacabka soomaaliyeed oo waxba galabsan.
Ugu danbayn wuxuu baakh u diray saaxibadiisa kale ee kujira kooxda in ay isaga soo baxaan oo ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda.