Saraakiisha ciidanka dowladda federaalka soomaaliya,xildhibaano,maamulka gobolka gedo iyo kan degmadda luuq ayaa maanta waxaa ay la kulmeen ciidamadda beelaha xasan gaashireedle iyo gabaawayn.
Abaanduulaha qaybta 43 aad,taliyaha nabad sugida gobolka gedo,taliyaha booliska gobolka gedo,taliyaha guutada 10 aad,saraakiisha ciidamada,gudoomiye kuxigeenka gobolka gedo iyo gudoomiyaha degmadda luuq ayaa waxaa ay ciidamada kala hadleen in ciidanka dowladda u diiwaan gashan lagu celin doono xeryaha ay ka tirsanaayeen,halka ciidanka kale ee shacabka ah lakala diri doono ilaa ciidanka daraawsiishta jubbaland iyo booliska salka loo dhigaayo.
Heshiiskaan oo ay garwadeen ka yihiin madaxwayne kuxigeenka jubbaland,saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo odoyaasha dhaqanka ayaa waxaa la,isku raacay in wixii dhiman wada hadal lagu dhameeyo.