Waxaa maanta kaamka barakaca ladan ee degmadda doolow ee gobolka gedo gaaray qoysas kasoo barakacay dagaal beeleedkii seddexdii maalmood ka dhacayay degmadda luuq.
Qoysaskaan oo u badan hooyooyin,carruur iyo waayeelo ah ayaa waxaa ka muqdo daruufo noolaleed oo dhanka noolasha ah waxayna kasoo barakaceen guryihii ay deganaayeen ee degmadda luuq,waxaana hada ay hooy ka dhigteen guryo yaryar oo laga sameeyay baco,kartoomo,marooyin waxayna qaarkood hooy ka dhigteeen geedaha iyo dhismayaasha ceelasha hoostooda ah.
Madaxa barakacyaasha ee degmadda doolow nuur siraad cali iyo gudoomiyaha ururka haweenka ee degmadaas hibo xasan xaashi ayaa kormeerat xaalada ay kusugan yihiin qoysaska barakacyaasha waxayna sheegeen in gargaar isugu jiro hooy,cunto,biyo iyo daawooyin ay u baahanyihiin qoysaskaan kasoo barakacay dagaal beeleedkii ka dhacay magaaladda luuq.