Taliyaha guutadda tobnaad qaybta afartan iyo seddexaad ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee Gobolka gedo gaashaanle sare cismaan cabdi qorax oo maalmahaan howlo shaqo u joogo degmadda baardheere ee Gobolka gedo ayaa maanta waxaa uu la shiray saraakiisha ugu saraysa taliska ATMIS ee degmadda baardheere.
Labadda dhinac ayaa si wadajir ah u qiray muhiimada ay leedahay wadashaqaynta ATMIS iyo ciidanka qalabka sida ee soomaaliya gaar ahaan magaaladda baardheere si bulshada deegaanka u dareento xasilooni iyo ka hortaga waxkaste oo qalqal gelinka nabada deegaanka.
Ugu danbayn taliyaha ayaa ugu baaqay ATMIS in bulshada iyo ciidamada kala shaqeeyaan amniga kaas oo ay dadku u baahanyihiin.