Odoyaasha iyo waxgarada degmadda luuq ee beesha reer axmed ayaa saraakiisha ciidamada qalabka sida ku wareejiayy dhowr neef oo geel ah kuwaas oo qayb ka ah geel badan oo waxgaradka deegaanku uu ugu talo galay in lagu dhiiro geliyo guusha ay ciidanku ka keeneen howlgalkii wadada xeriirisa luuq iyo doolow kaas oo looga saaray maleeshiyada alshabaab.
Waxaa geela lagu wareejiyay saraakiil ay kamid yihiin abaanduulaha qaybta 43 aad ee xoogga dalka g/sare cabdirashiid muxumed cismaan bohol,taliyaha qaybta booliska gobolka gedo g/sare xuseen xaashi giif iyo taliyaha guutada 10 aad qaybta 43 aad gobolka gedo g/dhexe aadan siyaad cabdi.