Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoraynta deegaanka ee kusugan degmadda ceeldheer ee gobolka galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajnabi ah kaasi oo katirsan kooxda alshabaab.
Ninkaan la qabtay ayaa doonayay in uu doon ka raaco xeebaha deegaanka mareeg ee gobolka galgaduud.
Qabashadiisu ayaa timid kadib markii xogtiisa ciidanka ay ka heleen bulshasa ka agdhow xeebta mareeg,iyadoo lagu soo bandhigay degmadda ceel-dheer ee gobolka galgaduud.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ninkaan uu u dhashay dalka yemen isla markaana uu in muddo dhawr sano ah katirsanaa maleeshiyaadka kooxda alshabaab.
Waxaa ay intaa ku dareen in uu kamid ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha ku dhibaatoonaya deegaanada ay kaga dhuumaalaysanayaan galmudug.