Gudoomiyaha degmadda beledxaawo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa saaka boqolaal shacabka reer beledxaawo ah salaada ciida carafe kula oogay fagaaraha qansax ee degmadda b/xaawo.
Gudoomiye cabdicasiis oo lahadlayay bulshada reer beledxaawo ayaa bulshada ugu baaqay adkaynta nabada,horumarka iyo xasiloonida magaalo xaduudeedka beled-xaawo iyo la dagaalanka daroogada iyo wax waliba oo caqabad ku ah amniga,xasiloonida iyo wada noolashaha dalalka aan deriska nahahy ee Kenya iyo itoobiya
Ugu danbayn gudoomiyaha ayaa munaasabadan ciida carafe awgeed dhambaal hambalyo ah u diray dhamaan umadda muslimiinta ah gaar ahaan dadka soomaaliyeed iyo kuwa reer jubbaland.