Waxaa maanta degmadda beledxaawo ee gobolka gedo ka dhacday munaasabad lagu dooranayay gudoomiyaha ciyaaraha gobolka gedo iyo kuxigeenkiisa.
Munaasabada waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha arimaha bulshada degmada,gudoomiyaha dhalinyarada degmadda,isku duwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha juubaland ee degmadda b/xaawo,wakiilo ka socday gudoomiyeyaasha toddobada degmo ee gobolka gedo iyo masuuliyiin kale.
Xilka gudoomiyaha oo ay ku tartamayeen maxamed deeq shabeel iyo cabdulaahi cabdiqaadir cabka halka gudoomiye kuxigeenka ay ku loolamayeen ibraahim cabdinaasir iyo cabdulaahi cali beerkeey uu ku guulaystay c/laahi beerkey sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha gudiga doorashadda ciyaaraha gobolka Gedo.
Ugu dambayn masuuliyiintii kasoo qayb gashay munaasabada ayaa u hambalyeeyay hogaanka cusub ee ciyaaraha gobolka gedo waxayna carabka ku adkeeyeen in ay la shaqayn doonaan.