Madaxwaynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane xasan shiiq maxamuud ayaa waxaa uu ka qayb galay munaasabada xuska sanad guurada 64 aad ee xornimada iyo midnimada dalkeena waxaana uu shacabka soomaaliyeed uu ugu baaqay inay xoojiyaan wadajirkooda,xajisraana dhaxalka awooweyaashood.
Madaxwaynaha jamhuuriyada ahna taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ayaa salaam Sharaf kaga qaatay taalada daljirka daahsoon cutubyo katirsan ciidamada qalabka sida oo gaardis kusoo maray qaar kamid ah wadooyinka magaalada muqdisho,waxaana uu ubax dhigay taalada daljirka si loo maamuuso halyeeyadii soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray gobanimada soomaaliya.
Dabaal dega munaasabadaan ayaa waxaa ka qayb galay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada cirka,dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka xooga dalka,iyo booliska kuwaas oo soo bandhigay sida ciidamada qalabka sida ee dalkeenu ay ugu diyaarsanyihiin difaaca qarankeena,ilaalinta amniga,midnimada iyo gobonimada dalkeena.