Madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada nayroobi ee caasimada dalka Kenya kambani laga leeyahay dalka china oo ka shaqeeya bariga afrika.
Inta uu shirka socday ayay masuuliyiinta kambaniga soo bandhigeen waxqabadkoodii east Africa,dhanka kale madaxwayne kuxigeenka ayaa madaxda kambaniga kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanada jubbaland gaar ahaan dib u dhiska kaabayaasha Gobolka Gedo.
Waxaa shirka ku wehlinayay madaxwayne kuxigeenka wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga jubbaland,wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska iyo lataliyaha xafiiska raysulwasaaraha soomaaliya.