Madaxwayne ku xigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta waxay la kulmeen saraakiisha ciidanka difaaca Kenya (KDF) ee kusugan degmadda ceelwaaq ee gobolka gedo.
Kulanka oo ka dhacay xerada ciidanka Kenya ay kuleeyihiin degmadaas ayaa waxaa madaxwayne ku xigeenka ku wehlinayay wasiirka arimaha gudaha jubbaland ,wasiirka amniga,wasiirka dekedaha iyo gaadiidka,bada jubbaland,wasiiru dowlaha wasaarada amniga jubbaland iyo taliyaha ciidanka daraawiishta jubbaland ee gobolka gedo waxaana looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa amniga iyo xasiloonida degmadda iyo inay ciidanka Kenya sii labbo jibaaraan dedaalkooda.
Ugu danbayn madaxwayne ku xigeenka ayaa uga mahad celiyay madaxda,saraakiisha ciidanka iyo shacabka waynaha dowladda aan deriska nahay ee Kenya doorkooda naf hurnimada ah ee ay ka qaadanayaan dib usoo celinta nabadii iyo xasiloonida soomaaliya gaar ahaan deegaanada jubbaland.