Masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada,hidaha iyo tacliinta saree e maamulka jubbaland kuwaas oo kusugan degmadda baardheere ee Gobolka Gedo una joogo qaadida imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda saree e guud ahaan dalka ayaa maanta ardayda iyo maamulada iskuulada magaaladda baardheere la dardaarmay.
Masuuliyiintaan ayaa maamulada iyo ardayda ku dhiirigaliyay ku dedaalida iyo ilaalinta nidaamka imtixaanka dhawaan bilaaban doono iyagoona sidoo kale kormeer ku tagay dhamaan iskuuladda degmadda baar-dheere ee Gobolka gedo.