Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi iyo masuuliyiin dabagal ku ah wadada laamiga ah ee dhismaheeda uu ka socdo degmaddaas ayaa maanta waxa ay kormeer guud kusoo sameeyeen goobaha uu kasocdo dhismaha wadadaas.
Masuuliyiinta dabagalka wadada oo shalay gelinkii danbe soo gaaray degmadda b/xaawo isla markaana daba galna ku ah qaabka loo dhisayo wadada ayaa kormeerkooda kasoo bilaabay halka laga soo bilaabay dhismaha wadada laamiga ah ilaa halka ay ku egtahay.
Kadib kormeerka guud ayaa waftigii kormeerka ahaa waxaa ay gudoomiyaha degmadda u sheegeen in muddo kooban lagu soo gaba-gabeen doono wadadaan loono dhisi doono hab casri ah.
Magaaladda beled-xaawo ee gobolka gedo ayaa waxaa ay noqon doontaa marka ay dhamaato dhismaha wadadaan laamiga ah,degmadda keliya ee yeelan doonto wado laami oo casri ah toddobada degmo ee Gobolka gedo.