Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xooggan oo deegaano katirsan gobolka jubadda hoose ku dhexmaray ciidamadda xoogga dalka soomaaliyeed iyo kuwa jubbaland oo dhinac ah iyo alshabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii al shabaab weerar ku qaadeen saldhigyadda ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa jubbaland ay ku leeyihiin deegaanada buulo xaaji oo hoostagta magaaladda kismaayo,baar sanguuni iyo deegaanka harboole oo hoostaga degmadda afmadoow ee gobolka jubadda hoose.
Saraakiisha ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa jubbalad ee gobolka jubbada hoose ayaa soo bandhigay maydadka xubno badan oo katirsan maleeshiyaadka kooxda alshabaab iyo hub farabadan oo dagaalka looga furtay.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay hadda wadaan howlgalo xooggan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka haray alshabaab ee ku sugan aaga deegaanada lagu dagaalamay ee gobolka jubbada hoose.