Maxkamaddda ciidamada qalabka sida ee jubbaland ayaa saaka dil dil toogasho ah ku fulisay 5 nin oo katirsanaa maleeshiyaadka alshabaab kuwaas oo horay magaaladda kismaayo uga gaystay dilal kala duwan.
Xubnahaan ayaa ka qayb ahaa sida maxkamadu ay sheegtay maleeshiyada kooxda alshabaab isla markaana u qaabilsanaa dilalka qorshaysan ee madax jabiska ah.
Gacan ku dhiiglayaasha la toogtay ayaa kala ahaa maxamed cabdulaahi abuukar deerow,cismaan maxamed mursal oo horay u dilat AUN marxuum sheikh cumar maxamed daahir halka gacan ku dhiigle maxamed ibraahim cigaal iyo gacan ku dhiigle ilyaas maxamed xasan oo iyaguna si wadajir ah u fuliyay dilkii AUN maxrxuum shiiq cabdulaaji dalab saaka la toogtay.
Gacan ku dhiiglaha 5 aad ayaa ahaa ugaas aadan maxamed geedo oo horay maxkamada ciidamada jubbaland ay dil toogasho ah ugu xukuntay kaas oo magaaladda kismaayo iyo daafaheeda ka gesystay qaraxyo iyo dilal qorshaysan.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada jubbaland g/dhexe ismaaciil cabdi cali ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay dambiilayaashoo saaka la toogtay.