Maraykanka ayaa si layaab leh gacanta ugu dhigay ninkii haystay kooxda daroogada ugu wayn aduunka ee Isma,el Zambada Garcia oo loo yaqaan magaca EI Mayo,kaasi oo xilka hoggaanka kooxda daroogada kala wareegay ninka u xiran maraykanka ee EI Chapo.
Diyaarad gaar ah oo ka soo kacday Mexico ayaa si qiyaano ah uga soo dejisay EI Mayo 00 76 jir ah garoon yar oo diyaaradeed oo ku yaala EI Paso oo katirsan gobolka Texas,isagoon war u hayn,waxayna ku dhacday heshiis uu isku soo dhiibayay Joaquin Guzman Lopez oo uu dhalay boqorka daroogada EI Chapo,kaas oo horey usoo kaxeeyay ninka ugu sareeyay kooxda ugu wayn daroogada adduunka ee ka ganacsata daroogada ee EI Mayo oo markii diyaarada lasoo saarayay loo sheegay in uu tagi doono waqooyiga Mexico,si uu usoo arko dhul uu doonayo si qarsoodi ah in uu u dhisto,balse ugu dambayntii wuxuu kusoo dhacay gacanya FBI-da oo xabsi u gudbisay.
EI Mayo iyo ninka maraykanka isku dhiibat Joaquib Guzman ayaa waxaa ay labadooda ahaayeen ragga loogu doobnista badan yahay ka ganacsiga daroogada,in ka badan 15 milyan oo doolar ayaa lagu bixinayay cidii xog kasoo sheegta,iyagoo goobo qarsoodi ah kaga noolaa Mexico.
In ka badan 180,000 kun oo maraykan ah una badan dhalinyaro ayaa sanadkii u dambeeyay u dhimatay daroogo ay iska badiyeen,taa oo ka dhigaysa mid kamid ah ajandeyaasha ugu sareeya maraykanka in ay kujirto la dagaalanka daroogada.
Dowladda Mexico iyo madaxwaynaha maraykanka ayaa bogaadiyay soo qabashada ragaan.