Madaxwayne kuxigeenka maamulka jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha maxamuud sayid aadan ayaa maanta waxaa xarunta madaxtooyada ee kismaayo uu ku qaabilay wakiilka xafiiska qaramada midoobay ee jubbaland arnaud laloum iyo wafti uu hogaaminayo.
Waxaa kulanka looga hadlay arimaha bini,aadanimida,doorashooyinka dalka iyo taageerada qaramada midoobay ee dib usoo kabashada kaabayaasha ku burburay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay deegaanada jubbaland.