Madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa maanta kulan la qaatay wafti ka socday hay,adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha bini aadanimada kuwaas oo gaaray degmadda luuq ganaane ee Gobolka Gedo.
Waftigaan ka socday hay,adaha ka shaqeeya arimaha bini aadanimada ayaa ujeedkoodu ahaa u kuur gelida xaaladaha degmadda luuq gaar ahaan dadkii uu saameeyay dagaaladii ka dhacay degmadda,waxaana kormeer ay ku tageen suuqa wayne ee waratada ee degmadaas ee horaantii bishaan dab la qabadsiiyay,kaamamka kulmiye iyo dhuyacleey oo kamid ah goobaha ay ku barakaceen dadkii uu saameeyay shaqaaqooyinkii ka dhacay degmadaas,waxaana kormeerkaan hogaaminayay gudoomiyaha degmadda luuq aadan muxumed nuur.
Kadib markii uu soo idlaaday kormeerka waftiga ayaa kulan la qaatay madaxwayne kuxgeenka maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan waxaana ka qayb galay wasiir kuxigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada XFS,xildhibaano ka kala tisran golaha shacabka iyo golaha wakiilada jubbaland,gudoomiye kuxigeenka gobolka gedo,taliyaha hay,adaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka gobolka gedo,maamulka degmadda luuq,isku duwaha wasaarada gargaarka maaraynta iyo musiibooyinka jubbaland iyo saraakiisha laamaha amniga ee degmadaas.
Kulanka ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray sidii gurmad bini aadanimo loogu fidin lahaa dadka ay dhibaatada kasoo gaartay dagaaladkii ka dhacay bishaan aynu kujirno degmada luuq.