Waxaa maanta degmadda luuq ee Gobolka Gedo lagu qabtay kulan looga hadlayay amniga gobolka gedo kaasi oo uu shir gudoomiyay madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland waxaana kasoo qayb galay wasiiru dowlaha wasaarada deegaanka iyo isbadalka cimiladda XFS axmed cumar maxamed ilko dheere,wasiir kuxigeenka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha XFS Cismaan,abaanduulaha qaybta 43 aad ee ciidamada xoogga dalka ee gobolka gedo g/sare rashiid bohol,taliyaha guutada 10 aad qaybta 43 aad ee ciidamada xoogga dalka ee gobolka gedo gaashaanle aadan siyaad,taliyaha qaybta booliska ee gobolka gedo g/sare xuseen giif,taliyaha hay,adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka gobolka gedo Jamaal sareey iyo saraakiil kale oo kamid ah qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda federaalka soomaaliya.
Kulanka oo lagu qabtay xafiiska maamulka degmadda luuq ayaa waxaa looga hadlay labbo qodob muhiim ah oo kala ah sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa shaqaaqooyinkii ka dhacay degmadda luuq isla markaana ay uga qayb qaadan lahaayeen saraakiisha nabadayntaasi iyo sidii la isugu furi lahaa wadooyinka kala duwan ee xeriiriya degmooyinka luuq,doolow iyo beledxaawo kuwaas oo ay fariisimo ku leeyihiin maleeshiyada kooxda alshabaab.